Daawo Sawirada Maxkamada Ciidamada Qsida oo Saaka Dil ku Fulisay Askari Horay U Dilay Arday

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay dilkii u horeeyay sanadkan cusub ee 2014 ku fulisay askari ka tirsan ciidamada xooga dalka, kaasoo horay u dilay Arday.

Askariga dilka lagu fuliyay ayaa Maxkamada ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay dil, waxaana uu ka mid ahaa Ilaalada Gudoomiyaha degmada Howl-wadaag.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay Askarigan uu dil u geystay Arday wax ka baranayay mid ka mid ah Dugsiyada ku yaal magaalada Muqdisho, isagoo xusay in cadeymo iyo marqaati kadib ay dil toogasho ku xukumeen.

Askariga dilka lagu fuliyay ayaa lagu magacaabo jiray Ex Dable Maslax Ciise Cismaan, waxaana saaka abaarihii 8-da aroornimo lagu toogtay fagaaraha School Bolisio, halkaasoo ay ku sugnaayeen Saraakiish ka tirsan Maxkamada ciidamada qalabka sida, saraakiisha booliska iyo dadweyne u soo daawasho tagay.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay inay jiraan xukuno kale oo dil ah, kaasoo dhowaan la fulin doono, waxaana ay mar kale digniin u dirtay askarta sida maala-yacniga u dila dadka rayidka iyo askarta dhexdooda ah.

 

xukun-dil-togasho_2 xukun-dil-togasho_3 xukun-dil-togasho_5 xukun-dil-togasho_4 xukun-dil-togasho_7


Shabakada Mucaarad.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail mucaaradweb@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




latest news

images (1) Dowlada Oo Saxiixday Heshiis Shidaal Qodis & Somalia Oo Noqoneysa Dalkii 7-aad Ee
- Apr 16, 2014
Shirkadda        ee ka shaqeysa Hawlaha qodista iyo wax-soo-saarka Ceelasha Shidaalka iyo Dowladda ...
download (9) HOT NEWS Dowladda Somaliya Oo Sheegtay In Ajaanib Ka Tirsan Alshabaab Ay Ku Qabatay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo
- Apr 16, 2014
Saraakiisha Ciidamada Booliska ee Dowlada ayaa shaaciyay in ay Gacanta ku Dhigeen Saddex Sargaal ...
download (1) Suuqa Islii Oo Ay Soomaali Badan Ka Niyad Jabeen Kadib Markii
- Apr 16, 2014
Suuqa Ganacsiga Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa noqday mid haawanaya, ...
download Afhayeenkii Booliska Soomaaliya Oo Xilka Laga Qaaday kadib Markii
- Apr 16, 2014
Wareegto kasoo baxday xafiiska taliyaha booliska Soomaaliya Jen. C/xakiim Daahir Saciid (Saacid) ayaa xilka ...
images General Saacid ” Magaaladda Muqdisho Gudaheda Laguma Arki Karo Baabur Leh Muraayadaha Madow
- Apr 16, 2014
C/xakiin Daahir Saciid Saacid Taliyaha Booliska Somaliyeed Janeral oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ...
images (9) Afhayeenka Ururka CALI DHEERE Oo Digniin Cusub Diray
- Apr 16, 2014
Afhayeenka maleeshiyaadka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa hanjabaad cusub u diray dowladda Kenya ...
download (19) Maamulka Puntland Oo Canbaareysay Falkii Muumulka Somaliland Ay Ku Qabsatay Taleex
- Apr 16, 2014
Maanta oo ay taariikhdu tahay 15kii April , 2014, ciidamada maamulka Somaliland waxay si ...
UUUUU1 DAAWO Video CEEB Ah :Gabar Saxaafada Horteeda Ku Ceebaysay Wasiir Ka Tirsan Maamulka Soomaliland
- Apr 15, 2014
DAAWO Video CEEBTA:Gabar Saxaafada Horteeda Ku ceebaysay Wasiir Ka Tirsan Maamulka Soomaliland  
download (17) Dowlada Oo Dhabarka Xejisay Barre Hiiraale & Axmed Madobe Oo Ka Adkaaday Dowlada Somalia
- Apr 15, 2014
Dowladda Somalia, ayaa u muuqata inay dhabarka xejisay Col. Barre Hiiraale, oo ay muddo tagaeereysay, ...
download (4) Afhayeenka al-Shabaab Oo Ka Dhiidhiyay Dhibaateynta Shacabka Ee Kenya
- Apr 15, 2014
Xarakada Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay raafka ay Ciidamada Kenya ku hayaan ...