Wax Badan Ka Baro Kiniiniga Caan Baxay Ee Loo Yaqaano Viagra ?

Sildenafil citrate waa magaca cilimga ah ee

dawada (generic name), waxayse ku

caantahay magaca VIAGRA oo ah magaca

ganacsi ee dawada.(trade name). halka

macagaca chemical ka ah ee dawaduna uu

yahay:

( 1-[[3-(6,7-dihydro-1-methyl-7-oxo-3-propyl-

1H-pyrazolo[4,3-d]pyrimidin-5-yl)-4-

ethoxyphenyl]sulfonyl]-4-methylpiperazine

citrate).

Sida macruufka ah waxa jirta in dawo kastaa

leedahay magacyo badan sida chemical name,

brand name and generic name waxase inta

badan la istic maalaa magaca ganacsiga ee

brand name loo yaqaano kaas oo ah magaca

shirkada soo saartay dawada u gaarka ah.

sidaa awgeed magaca viagra waxa iska leh shirkada caanka ee dawooyinka soo saar ta ee Pfizer

pharmaceutical incorporated.

Waxay ahayd march 1998kii markii ugu horaysay ee suuqyada dawooyinka ay soo gasho dawadani. Ka

dib markii ay ansixiyeen hay’ada Food and Drug Administration (FDA).

Sida lagu cadeeeyay cilmi baadhis la soosaaray dhawaan sagaal midh oo kiniin ah (9 tablets) ayaa

seconkii kasta la qoraa aduunka korkiisa, waxa kale oo sii dheer inta an dhakhtar uqorin ee layska

isticmaal.

In ka badan 600,000 (lixboqol oo kun) oo dhakhtar ayaa waxay u tahay dawada koowaad (first choice)

ee ay ku daweeyaan xanuunka loo yaqaan ( impotency) xanuunkaasi oo ah awood daro ku timaada

xubnaha galmada ee raga.

Waxyaalaha dawadu ka kooban tahay

Hadaba aynu ku horayno waxyaabaha ay ka kooban tahay dawadadani (ingredient)

Active ingredients: Sildenafil citrate

Excipients: microcrystalline cellulose, calcium hydrogen phosphate (anhydrous), croscarmellose and

magnesium stearate.

The film coat of the tablet contains

hypermellose, titanium dioxide (E171), Lactose, triacetin and indigo carmine aluminum lake (E132).

Waxaad ogaataa in xabada yare e kiniinka ahi ay ka koobantahay waxaas oo chemicals ah taasi oo

keeni karta khatar caafimaad hadii si qaldan loo isticmaalo.

Doses ka uu ku yimaado kiniinkan waa

25mg, 50mg and 100mg

film coated tablets.

Maxaa loo isticmaalaa dawadan

Waxa loo isticmaalaa in lagu daweeyo xanuun ka mida xanuunada ku dhaca xubnaha taranka ee labka

ama raga, waxaana loo yaqaanaa(Impotence (erectile dysfunction) xanuunkaas oo dad badani u

yaqaano (CINIIN NIMO) xubinta labka oo aan awood yeelan xiliga galmada.

Saldanefil waxay ka mid tahay groupka loo yaqaano( phosphodiesterase type 5 inhibitors) taasi oo

macneheedu yahay dawadani waxay joojisaa ama ka hortagtaa chemicals ka loo yaqaano

phosphodiesterase type 5.

Phosphodiestrase waa enzyme laga helo meelo badan oo jidhka banii aadamka kamida waxaanu

jabiyaa dabarka (bond) loo yaqaano phosphodiester bond ee laga helo nucleotideska.

Waxa kale oo ka mida groupkan

Levitra (vardenafil), Cialis (tadalafil) iyo kuwo kale.

Inkasta oo ay adagtahay in aynu maqaal yar ku soo koobno shaqada iyo waxyaabahay ay jidhka u

 

qabtaan chemicals kani hadana bal aynu isku dayno inaynu fahamno inta ka khusaysa dawadan aynu

ka hadlayno.

Mar hadii aynu nidhi dawadani waxay xoojisaa awooda xubinta raga wakhtiga galmada: aynu is

waydiinoo sidee ayaa arinkaasi udhacaa:

Waxa ay udhacdaa hab adag oo aad u balaadhan(complex chain of events), si kooban hadaynu u

sheegnana waxa dhacda in marka dareenka jinsigu yimaado ay ka yimaadaan signals ama ishaarooyin

dhinaca maskaxda kuwaas oo keena in la soo daayo chemical messangers within the tissues of the

penis.

Mid ka mida chemicals kaas oo loo yaqaano cyclic GMP ayaa waxay sababtaa in ay dabcaan (relax)

muruqyada yar yar ee laga helo xididada dhiiga taasina waxay keentaa in ay balaadhaa xididada yar

yare e dhiiga u keena xubinta labka taasi oo sababta in xubintu adkaato oo awood badan yeelato.

Hadaba sida caadiga ah waxa dhacda in chemicals kaa aynu soo sheegnay ee cyclic GMP in la burburiyo

oo ay burburiyaan enzymes ka kale ee loo yaqaan phosphodiesterase type 5 dabadeedna xaaladii ku

noqoto caadigeedii hore.

Sidaa awgeed Viagra wuxuu ka hortaa in la burburiyo chemicals ka cyclic GMP isaga oo joojinaya

shaqada phosphodiesterase type 5. Taas oo macneheedu noqonayo waxa sii socda dhiigii badnaa ee

soo galayay xubintan aan kur ku soo xusay taasina waxay keentaaa in adkaanta ( rigidity) iyo

taagnaantu( erection) ay sii jiraan.

Marhadii Viagra uu ilaaliyo shaqada chemical messengers ka sababaya ererction ka waxa uu

shaqaynayaa oo kaliya marka messenger kaasi la helo tasi oo macneheedu noqonayo in loo baahan

yahay sextual stimulation.

Hadaba waxa halkaa ka cad in ay wanaagsan tahay in la qaato daawada sodon daqiiqo ilaa saacad ka

hor xiliga galmada.

Digniin

shabakada Mucaarad.com waxey ku leedahay Inkastoo ay haboontahay in dhakhtarka kuu qoray dawadu uu

ku siiyo talooyinka lagama marmaanka kuu ah marka loo eego xaaladaada caafimaad, hadan si guud

markaynu u hadalno waxa muhiim ah:

1. In la qaato dawada cuntada ka hor waayo cuntadu waxy keeni kartaa in ay wakhti badan qaadato

shaqada dawadu, iyo in wax tarkeedu yaraado.

2. Inaanad qaadan dawada iyadoo aan dhakhtar kuu qorin, una isticmaal sida dhakhtarku kugu la taliyo

oo kaliya.

3. Inaanu qofku kaxayn gaadhi ama dayac tirka enginada iyo warshadaha,waayo dawadu waxay

keentaa dawakhaad (dizziness) iyo khalkhal dhinaca araga ah (visual disturbances).

4. Hadii erection ka ama taagnaanta xubintu sii socoto in kabadan afar saacadood oo ay dhacdo

xaalada loo yaqaan (priapism) si dag dag ah dhakhtar ugu tag waayo waxa dhici karta in dhaawac soo

soo gaadho tussueska xubinta dabadeedna dhibaato tii hore ka wayni timaado.

5. Hadaad aragto araga oo si dag daga hoos ugu dhacay jooji dawada oo la tasho dhakhtar. Hana

qaadan dawada hal mar wax ka badan maalintii.

Si taxadir leh u isticmaal hadii ay jiraan xaaladahani

1. Dadka da’da ah

2. Qofka qaba xanuunada kalyaha, beerka, haemophillia, active peptic ulcer.

3. physical Abnormality of the penis.

Dadka aan isticmaali Karin

1. Dumarka

2. Qofka da’diisu ka yartahay 18 sano

3. Dadka qaba xanuunada wadnaha sida:( sever heart disorders) sida angina pectoris, heart attach.

4. Hoos udhaca pressure ka dhiiga(hypotention).

5. Dadka qaata dawooyinka loo yaqaan: NITRATE MEDICATIONS sida: glyceryl trinitrate or amyl nitrite

“poppers”.

Waxyeelada dawada

madax xanuun, dawakhaad, khalkhal ku yimaad araga, maqalka oo daciifa, dheefshiidka oo xumaada

(indigestion). Muruqyada oo xanuuna, garaaca wadnaha oo kordha (tachycardia). Daal farabadan,

dareenka jidhka oo yaraada, Prolonged erection, or persistent painful erection of the penis (priapism).

Waxa jirta in dawadani ay tahay dawo xanuun lagu daweeyo, ee anay ahayn dawo cid waliba iska

isticmaali karto, sidaa awgeed waxaan u soo jeedin lahaa dhalinyarada caadaysatay isticmaalka

dawadan iyadoo aan caafimaad daro u gayn, inaanay dhib gacmahooda ku doonanin ee ay ku mahad

naqaan awooda alle u dhamystiray, oo ay ka fogaadaan isticmaalka kiniinada noocan oo kale ah.

Waxaana daliil kuugu filan inta nooc ee chemicals ka ah ee laysku daray ee ay ka samaysantahay taasi

oo dhibi ka iman karto hadii si qaldan loo is ticmaalo.

Marlabad ila eeg maadooyinka kala duwan ee halkii xabo ee Viagra ahi uu ka kooban yahay

Ingridients of one tablet of VIAGRA is : Sildenafil citrate microcrystalline cellulose, calcium hydrogen

phosphate (anhydrous), croscarmellose and magnesium stearate, hypermellose, titanium dioxide

(E171), Lactose, triacetin and indigo carmine aluminum lake (E132) iyo kuwo kale.

Dawadu waxay dhaawici kartaa caafimaadkaaga hadii aad si qaldan u isticmaasho ee si taxadir leh u

raac talaabooyinka dhakhtarka kuu qoray dawadu ku siiyo.

waa kalamadaha ku qoran waraqda yare e lagu soo rido galka dawooyinku ku jiraan intooda badan.

Si xun u isticmaalka dawooyinka (medication errors) waxay dhibaato ka soo gaadhaa malaayin qof

sanad walba, halka billions of dollars ay ku baaba’aan dhibaatooyinka ay keenaa dawooyinku.

Ka digtoonaw isticmaalka dawo aan dhakhtar kuu qorin nooc kasta oo ay tahay.

Waxaana muhiim ah in la ilaaliyo shantan qodob ee ku bilaabma xarafka “R” ee la yiraa “R’s”, si looga

hortago dhibaatada dawadu leedahay iyada oo ay iska kaashanayaan dhakhtarka dawada qoraya

pharmacist ka iyo qofka bukaha ahi.

Right patient

Right drugs

Right dose

Right rout

Right time


Shabakada Mucaarad.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail mucaaradweb@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




latest news

74345836_021980059-1 RASMI: Manchester United Oo Ceyrisay Tababare David Moyes.
- Apr 22, 2014
Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay ceyriyeen tababare David Moyes kaasoo si rasmi ah ...
images (1) War DEG DEG Oo Hada Ku Soo Dhacay Shabakada Mucaarad.com Ayaa Sheegaya Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliya Oo Goordhaw Lagu Dilay Muqdisho
- Apr 22, 2014
War goordhaweyd naga soo gaaray Degmada Dharkiinleey ee Gobalka Banaadir, ayaa sheegaya in goordhaweyd ...
download Maamulka Somaliland Oo Beenisey in Ciidamo Iyaga Ka Tirsan Ay Puntland Isku Dhiibeen
- Apr 22, 2014
Maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa markii ugu horeysey waxba kama jiraan ku tilmaamey ...
download (6) Howlgallo Ka dhacay Xalay Magaalada Kismaayo
- Apr 22, 2014
Wararka ka imaanaya saaka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ...
download (5) Ciiddanka Booliska UN-ka Oo Sheegey In Caawin Doonan Booliska Soomaaliya
- Apr 22, 2014
Shalay waxaa Saldhigyadda Degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir booqdey Boolis ka socda UN-ka, Saldhigyadan ay ...
download (4) War DEG DEG:- Sarkaal Muhiim U Ahaa ururka Al-shabaab Oo Hadda Lagu Qabtay Magaalada
- Apr 22, 2014
Wararka ka imaanaaya magaalada Buulo Burde ee gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in duleedka ...
download (3) Indhaqorshe: Al Shabaab Oo Lagu Weerarayo Diyaarado Dagaal
- Apr 22, 2014
Taliyaha Ciidamada Militariga Soomaaliyeed Gen Indhaqorshe ayaa shaaca ka qaaday in Al Shabaab ay ...
download (2) Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowlada Soomaaliya Oo Nomber .50 Ku Dagaalamay
- Apr 22, 2014
Ciidamada ka wada Tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku Dagaalamay Deegaanka Nomber.50 ee Gobolka ...
download (1) Dalxa “Jaamacadda Carabta Waan U Sheegnay Inay Ka Gaabiyeen Wax U Qabashada Soomaaliya”
- Apr 22, 2014
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ...
images AMISOM Oo Qarax Lagula Eegtay Shalanbood Kadib Markii
- Apr 22, 2014
Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa ...